Macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in uu aad kaga xun Yahay Fursad soo martay oo aheyd in uu lasoo wareego laacibka haatan ka Tirsan kooxda Manchester City kasoo lagu magacaabo Raheem Sterling oo xiligaas uu ku sugnaa kooxda QPR.
Laacibka heerka caalami ee xulka dalka Ingiriiska Raheem Sterling ayaa Habeenka Isniinta ay Talaada soo galaysa ka Hortagi doona Kooxda arsenal kulan ka dhacaya Garoonka Emirates Stadium. Ee arsenal ku ciyaarto.
Raheem Sterling ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda galbeedka London ka dhisan ee QPR xili ciyaareedkii 2010-kii iyadoona Macalin wenger uu qiray in lasoo bandhigay in uu la wareego laacibkaan oo xiligaas yaraa.
Manchester City ayaa xidigaan kula soo wareegtay aduun dhan £49 million wuxuuna xili ciyaareedkaan Bandhig wanaagsan ka muujinayaa Horyaalka dalka Ingiriiska isagoona kooxdiisa ka caawiyay usoo bixitaanka wareega 16-ka ee Champions League.

