Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi. ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka Tirsan al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Kolonyo ciidam oo ka Tirsan ciidamada Jabuuti oo marayay deegaan dhaca duleedka degmada Jalalaqsi.
Rag ka Tirsan al-shabaab ayaa la sheegay in weerar Qorshaysan ay ku qaadeen ciidamadaan ka Tirsan Jabuuti oo saakay aroortii Howlgalo ka sameynayay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan
Saraakiil ka Tirsan ciidamada Jabuuti oo aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlaan weerarka al-shabaab ay ku qaadeen Kolonyo ka Tirsan ciidamada dowlada Jabuuti oo ku suganaa Gobolka Hiiraan
Dhanka kale Al-shabaab ayaa Barhooda Bulshada ku baahiyay in ay dileen 3-askari oo ka Tirsan ciidamada dowlada Jabuuti oo ku sugnaa deegaan dhaca duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan


Waxba kaqaadi maayaan jabuutiyaanku waa rag dhiifon