Waqti kordhin loo Sameeyay Madaxweynaha Wadanka Rwanda

1

Baarlamanka dalka Rwanda ee Qaarada Africa  ayaa ku dhawaaqay in waqti Kordhin loo  sameeyay Madaxweynaha wadanka Rwanda  Paul Kagame xili dalkaas lagu balansanaa in marka la gaaro sanadka 2017-da doorasho Lagu qabto.

Cod bixin laga qaaday  shacabka dalka Rwanda ayay Baarlamanka dalka Rwanda waxa ay ku sheegeen in ugu badnaa dadka ku Nool dalka Rwanda  ay  u codeeyeen in waqti Kordhin loo sameeyo Madaxweyanaha wadanka Mr Paul Kagame oo wadanka Hogaaminayay Mudo Badan.

Paul Kagame Madaxweynaha wadanka Rwanda ayaa xilka Madaxweynaha wadanka Rwanda Hayn doona ilaa laga gaaro sanadka 2034-ta waa waqti kordhin aad u weyn marka la eego.

Kagame, oo 58jir ah ayaa xilka Madaxweynaha wadanka Rwanda la wareegay sanadkii 1994 isagoona nabadeen dhax dhigay kooxihii dalkaas ku dagaalamayay sida Tutsi iyo Hutu,

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here