Madaxweyne Gaas: Doorashada Waa in Laga dhigaa Nidaamka Heer Degmo+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas oo  Galinkii dambe ee shalay ku laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saxaafada kaga warbiyay wixii ugu qabsoomayay shirkii loogu Hadlaayay doorashada oo maalmihii dambe ka socday Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas  ayaa sheegay in shacabka ku Nool deeganada Maamulka Puntland uu ka arimiyo ay ku qanacsan Yihiin in doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka in  laga dhigo nidaamka heer degmo xili bishii aynu soo dhaafnay deeganada Maamulka Puntland lagu qabtay shirarka loogu Hadlaayay doorashada,

Waxa uu Hadalkiisa ku daray Madaxweyne Gaas in xiligii qabiilka wax Lagu soo dooran jiray in laga gudbay loona baahan yahay xiligaan in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigo nidaamka heer degmo oo mowqif ahaan uu Maamulka Puntland aaminsan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here