Shirka loogu Hadlaayo Nooca doorashada Soomaliya ka dhacaysa Oo Maanta Lasoo Xirayo

0

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho Lagu soo Gaba-gabeeyo shirka loogu Hadlaayo nooca doorasho Soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka.

Shirka uu Furmay Todobaadkaan Gudihiisa ayaa lagu soo Bandhigay Fikradaha ay qabaan Madaxda Maamulka Goboleedyada dalka soomaliya ka jira wallow qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ka jira ay isku qilaafeen nooca doorasho ee soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka.

Labadii Maalin aynu soo dhaafnay waxaa Muqdisho ka socday Kulamo gooni-gooni ah oo ay  wada qaadanayeen Madaxda dowlada soomaliya iyo Madaxda Maamulka Goboleedyada dalka soomaliya ka jira iyadoona Madaxda dowlada soomaliya ay kala Hadleen Madaxda Maamul Goboleedyada sidii Hal nooc loogu dhigi Lahaa doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo qeyb ka ah Madaxda shirka ka qeyb galaysa ayaa Magaalada Ka maqan wuxuuna qeyb ka ah Madax magaalada beledweyne u Taktay xalinta Boladaa Magaalada Beledweyne ka jirta,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here