Af-hayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibada faransiiska ayaa sheegay in dowlada faransiiska xubno ka socday ay soo gaareen magaalada muqdisho iyagoona la kulmay mas’uuliyiin katirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.
Af-hayeenkaani oo lagu magacaabo Roman Naadal ayaa sheegay in wasaarada arimaha dibada faransiiska ay ku faraxsan yihiin imaantinkooda muqdisho si ay ugu qeyb qaataan taageerada dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.
“Waxaan Xoojineynaa xiriirka iyo taageerada nagala dhaxeeysa Soomaaliya, runtii markaan aragnay dhibaatooyinka heysta dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, waxaa nagu beermay dareen bani aadamnimo balse gacan ayaan ka geysan doonaa taageeradooda” sidaana waxaa yiri Roman Naadal
Faransiiska ayaa kamid ah wadamada taageera dowlada dhexe ee dalka waxa ayna inta badan ka taageeraan duqeymaha ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab iyo tababarada ciidamada dowladda.
Warkaani kasoo baxay dowlada faransiiska ayaa imaanaya xili wadamo fara badan ay dhawaanahaani sameynayeen balan qaadyo ku aadan in ay u gurmanayaan bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

