Shirka loogu Hadlaayo Nooca doorashada Soomaliya ka dhacaysa Oo Maanta Lasoo Xirayo

0

Waxaa Maanta Lagu wadaa In Magaalada Muqdisho lagu soo xiro shirka loogu Hadlaayo nooca ay Noqon doonto doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka

Shirka oo Todobaadkaan Gudihii ka Furmay xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa Lagu soo Bandhigay Fikrado ku aadan nooca ay Noqon doonto doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka iyadoona Madaxweynayaasha Maamul Goboleedka dalka soomaliya ka jira ay isku qilaafeen nooca doorashada soomaliya ka dhacaysa,

Dhanka kale shirka oo shalay lagu waday in lasoo gaba-gabeeyo ayaa dhib u dhac uu ku Yimid kadib markii qaar kamid ah Madaxweynayaasha Maamul Goboleedka  dalka soomaliya ka jira  ay is weedaarsadeen Hadalo kul kulul oo ku aadan nooca doorashada sooamliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka,

Muqdisho shalay ilaa xalay waxaa ka socday Kulamo gooni-gooni ah oo ay yeelanayeen Madaxda dowlada soomaliya iyo Madaxda Maamulka Goboleedka dalka soomaliya ka jira ujeedka Kulamadaas ayaa Lagu sheegay  in lagu mideynayo Fikradaha ay soo jeediyeen Madaxda shirka ka qeyb gashay,

Madaxweynayaasha Maamulada  Galmudug iyo koonfur Galbeed soomaliya ayaa qaba fikirka ah in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigo nidaamka 4.5. Halka fikir kaas ku duwan ay qabaan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo juba-land oo qaba in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigo nidaamka heer degmo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here