Maamulka Gobolka Banaadir ee dowlada soomaliya ayaa ku eedeeyay xarakada al-shabaab dil shalay Galinkii dambe degmada Hodan loogu geystay gabar u shaqayneysay Hay’ada UNHCR oo Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha qaxootiga,
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la Hadlay idaacada simba ayaa ku eedeeyay xarakada Al-shabaab in ay mas’uul ka aheyd dilkii shalay loo geystay Amina Nuur oo aheyd gabar u shaqeynaysay Hay’ada UNHCR iyo wiil darawal ahaa oo la socday xiligaas oo magaciisa Lagu sheegay Daahir.
C/fataax Cumar Xalane waxa uu al-shabaab ku Tilmaamay kuwa doonaya in ay mar walba dilaan shacabka muslimiinta ah ee naftooda iyo qoyskooda u shaqeysta isagoona hadalkiisa ku daray in Maamulka Gobolka Banaadir uu Tacsi u dirayo eheladii ay ka geeriyootay Amina Nuur oo aheyd gabar u shaqeynaysay Hay’ada UNHCR.

