Xafiiska Guud ee Hay’adda Qaxootiga Aduunka UNHCR ee Magaalada Geneva, war qoraal ah oo kasoo baxay ayaa Lagu sheegay in Hay’ada Qaxootiga Aduunka UNHCR ay aad kaga xun Tahay dilka loo geystay Aamina Maxamed Nuur oo aheyd Haweenay ka tirsaneyd UNHCR.
Madaxda Hay’adda Qaxootiga Aduunka UNHCR waxa ay sheegeen in markii ay Maqleen dilka Aamina Maxamed Nuur ay ka naxeen iyagoona Tilmaamay in hal daqiiqo oo aamusnaan ah oo lagu xasuusanaayo marwo Aamina in maanta lagu qaban doono Xafiiska Geneva ee Hay’adda ku leedahay.
Dhanka kale warka qoraalka ah ee kasoo baxay Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Aduunka UNHCR ee Magaalada Geneva, waxaa Lagu sheegay in Hay’ada ay garab Taagan Tahay caruurtii ay ifka kaga taktay Aamina oo ay caawinayaan caruurtaasi.
Shalay ayay aheyd markii Aamina Maxamed Nuur iyo nin darawal u ahaa ay kooxo hubeysan ku dileen xaafada siigaale ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir

