Al-shabaab oo Hanjabaad u jeediyay dowlada Wadanka Kenya

0

Xarakada al-shabaab ayaa ka Hadashay weeraro maalmihii dambe ka dhacayay xuduuka u dhaxeeya Soomaliya iyo Kenya gaar ahaan Gobolka woqooyi Bari dalka Kenya

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab afhayeenka al-shabaab oo la Hadlay warbaahinta al-shabaab ayaa sheegay in ciidamada al-shabaab ay ka dambeeyeen weeraro Todobaadkaan Gudihii ka dhacay Magaalada Mandheere ee Gobolka woqooyi Bari dalka Kenya.

Abuu Muscab waxa uu sheegay in weerar loo adeegsaday miinooyin in lagu dilay askar ka Tirsan ciidamada dowlada Kenya isagoona Hadalkiiisa ku daray in al-shabaab ay ka dambeeyeen weerarkaas,

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab afhayeenka al-shabaab wuxuu Hanjabaad kulu u direy dowlada Kenya isagooan sheegay in xarakada al-shabaab ay wadi doonto weerarada ay ku qaadeeso Gobolka woqooyi Bari dalka Kenya inta ciidamada Kenya ay ku sugan  Yihiin Gudaha wadanka Soomaliya.

Dhanka kale ciidamo ka Tirsan kuwa Kenya ayaa qaraxa Lagu eegtay saacadihii aynu soo dhaafnay Custom-ka Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya iyadoona qasaaro uu soo gaaray ciidamada,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here