Madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in ay kooxdiisa diyaar u Tahay in ay ku aado midkood kooxaha Barcelona iyo Real Madrid xili maanta Magaalada Nyon Lagu sameyn doono isku aadka Champions League
Kooxda Horyaalka dalka France ayaa Habeenkii xalay ahaa kooxda Lyon kaga adkaatay 5:0 kadib goolal ay ka heshay xidigaha Zlatan Ibrahimovic, Serge Aurier, Edinson Cavani iyo Lucas Moura
Madaxweynaha Naadiga France Nasser Al-Khelaifi ayaa ka qeyb gali doona xaflada Maanta Lagu qaban doono Magaalada Nyon isagoona sheegay in uusan ka cabsi qabin haduu ku aado midkood kooxaha Barcelona iyo Real Madrid

