Madaxda dowlada Soomaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka shiraya kala aragti duwanaanshaha

0

Madaxda dowlada soomaliya iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka soomaliya ka jira ayaa maanta ka shiraya kala aragti duwanaanshaha ka taagan nooca Doorasho ee sanadka 2016-ka dalka Somaliya ka dhaceysa.

Madaxda shirka ka qeyb Galaysa ayaa ka shaqeyn doonta sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Madaxda kala arakti duwan ee shalay shirkii xalane Lagu qabtay ka qeyb Gashay kuwasoo soo bandhigay araktiyo kala duwan,

Afhayeenka Madaxweynaha Somaliya Daa’uud Aweys oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay  feker duwanaanshaha jira macnaheeda in uusan aheyn inuu Khilaaf jiro, isagoona Hadalkiisa ku daray in shirarka maanta dhacaya loogu Talagalay in lagu mideeyo fikradaha ay qabaan Madaxdii ka qeyb gashay shirkii shalay dhacay.

Maamulada Puntland iyo Juba-land ayaa qaba in doorashada soomaliya ka dhacaysa in La dhigo nidaam Degmo Halka Maamulka Galmudug iyo koonfur Galbeed soomaliya ay qabaan in doorashada soomaliya ka dhacaysa laga dhigo nidaamka 4.5.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here