Dhageyso: Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka dhacaya Duleedka Marka

0

Maamulka gobolka shabeelaha ee koonfur Galbeed soomaliya  ayaa ugu baaqay meeleeshiyo beeleedka shalay iyo maalmihii dambe ku dagaalamayay in ay joojiyaan dagaalada,

Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Maxamed shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed soomaliya uusan u dulqaadan doonin dagaalada u dhaxeeya meeleeshiyo beeleedka  ee ka dhacayay maalmihii dambe deegaano hoos Yimaada Magaalada Marka ee Gobolka Shabeela Hoose,

Hadalka Afhayeenka Maamulka Gobolka shabeelaha ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xili maalintii shalay aheyd uu dagaal xoogan uu ka qarxay deeganka buufow Bacaad ee duleedka ka xiga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here