Wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Magaaladaas goor dhaweyd uu ka Bilowday dagaal xoogan oo u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed wada daga Magaalada Marka ee ,
Dagaalka u dhaxeeya meeleeshiyo Beeleedka ayaa intiisa badan ka socda Deegaanka Buufow Bacaad oo duleedka ka xiga Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose sida ay inoo sheegeen dadka ku sugan Magaalada Marka,
Qaar kamid ah ugaasyada Gobolka Shabeelaha Hoose oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Buufow Bacaad ee duleedka ka xiga Magaalada Marka,
Dhanka kale Maamulka Koofur Galbeed soomaliya oo ka Hadlay dagaalada ayaa sheegay in xal buuxda la gaaray dagaalka iyagoona ugu baaqay Maleeshiyo beeleedka In ay ka shaqeeyaan Nabada.

