Shirka loogu Hadlaayo Nooca ay Noqon doonto Doorashada Soomaliya ayaa ka Furmay Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Goor dhaweyd Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ka Furmay shirka loogu Hadlaayo nooca ay Noqon doonto doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka

Shirka waxaa Furay Madaxweynaha soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud waxaana ka qeyb Galaya Madax ka socota beesha caalamka  Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed soomaliya ,iyo Juba-land

Dhawaan qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya waxaa Lagu qabtay shirar loogu Hadlaayay Barnaamijka Hiigsiga  sanadka 2016-ka iyadoona dowlada soomaliya ay  aruurisay aragtiyo kala duban oo ku aadan qaabka ay Noqon doonto doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka

Qaabkey ay Noqon doonto doorashada soomaliya

Doorasho Heer degmo

Doorasho Beel ku saleysan 4.5

Doorasho Xisbiyo

Doorasho Heer dowlad gobaleed

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here