Daaficii Hore ee kooxda Manchester United Rio Ferdinand ayaa aaminsan in daafaca kooxda arsenal Laurent Koscielny uu yahay mid kamid daafacyada ugu wanaagsan Horyaalka dalka Ingiriiska,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka France Laurent Koscielny ayaa waayo fiican ku qaadanaya kooxda arsenal isagoona ka garab ciyaara xidiga reer Germany ee Per Mertesacker Bandhig wanaagsan ayuu soo Bandhigay kulankii ay arsenal ka guuleysatay kooxda Olympiacos ee ciyaaraha Champions League

