Munaabasad si heer sare losoo agaasimay ayaa Maanta lagu qabtay degmada Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana Munaasabada ka qeyb Galay Wasiirka arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ee Mamaulka Konfur Galbeed soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale ujeedka munaasabada ayaa aheyd Magaacabista Gudoomiyaha degmada Lafoole
Cabdiraxmaan Ibraahim aadan Wasiirka Arimaha Gudaha oo Hadal kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay in waxyaabo badan uu ku guuleystay Maamulkii degmada Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose isagoona ugu baaqay Maamulka Cusub ee degmada in wax qabad wanaagsan uu la Yimaado.
Dhanka kale afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Maxamed shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gudoomiyaha xilka Laga qaaday uu xanuun la jiifo isagoona sheegay in wareegtada Lagu magacaabay Gudoomiyaha degmada Lafoole ay kasoo baxday wasaarada arimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha xilka Laga qaaday uusan ku qanacsaneen xil ka qaadista Maanta Lagu sameeyay

