Al-shabaab oo guulo ka sheegtay dagaalka Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Diinsoor.

0

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Maanta uu Halkaas ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa al-shabaab oo dhawaan lagala wareegay  degmada Diinsoor.

Dagaalka xoogan ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Tuul-walluun oo Hoos Timaada degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

Warar Lagu qoray Warbaahinada afka al-shabaab ayaa Lagu sheegay in al-shabaab ay la wareegeen deegaanka Tuul-walluun oo Hooos Timaada degmada diinsoor ee Gobolka Baay kadib markii uu Maanta uu dagaal xoogan  ku dhaxmaray ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa al-shabaab

Saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya iyo Maamulka degmada Diinsoor aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlaan dagaalka Maanta ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here