Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa Faafaahin ka bixiyay dagaal xoogan oo Maanta ka dhacay deegaan Hoos Yimaada degmada Diinsoor ee Gobolka Baay
Mid kamid ah Saraakiisha ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugan Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dagaalka Maanta ka dhacay duuleedka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
C,laahi shiikh Maxamed Taliyaha Ciidamada dowlada soomaliya ee Maamulka degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegay in ay iyaga weerarka ku qaadeen deegaanka la yiraahdo Tuul-walluun oo Hoos Timaada degmada diinsoor ee Gobolka Baay,
Dhanka kale waxa uu sheegay sarkaalka ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya ee degmada diinsoor in aysan jirin qasaaro soo gaaray ciidamada dowlada soomaliya isagoona Hadalkiisa ku daray in ay dagaalka ku dileen Rag ka Tirsanaa al-shabaab,

