Madaxweynaha Koonfur Galbeed” Waxaa la joogaa Xiligii Al-shabaab laga Saari Lahaa Gobolada Baay iyo Bakool

1

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Mudane Shariif Xasan sheikh aadan ayaa ka dalbaday dowlada soomaliya in ay xoojiso la dagaalanka xarakada al-shabaab oo wali ku sugan meelo kamid ah Gobolada dalka soomaliya,

Mudane Shariif Xasan sheikh aadan oo hadal kooban ka jeediyay shirkii loogu Hadlaayay Barnaamijka hiigsiga sanadka 2016-ka ayaa sheegay in al-shabaab ay awoodooda ay tahay xiligaan mid aad yar loona baahan yahay in laga faaideysto waa siduu Hadalka u dhigay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya,

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa Tilmaamay in dhaawaan ciidamada dowlada soomaliya iyo Amisom iyo kuwa koonfur Galbeed soomaliya ay bilaabi doonaan Howlgalo lagu furayo wadooyin ay Horey u xireen ciidamada al-shabaab oo mudo ka Hor lagala wareegay meelo kamid Baay iyo Bakool.

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here