Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti C/qaadir Kaamil Max’ed iyo Wasiirka hormarinta beeraha jabuuti ayaa si wadajir ah ula kulmay mas’uuliyiin katirsan boqortooyada dalka Sacuudiga.
Sida uu qoray Wargeyska Al-Riyadh ee kasoo baxa magaalada riyadh ee caasimadda Sacuudiga kulankaani ayaa diiradda lagu saaray sidii loo taageeri lahaa barakacayaasha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya.
Wafdigani ayaa la sheegayaa in ay la kulmeen boqorka sacuudiga boqor salmaan Binu C/Caziiz Aala sacuud iyo dhaxal sugaha boqortooyada sacuudiga iyo waziirka arimaha gudaha Sacuudiga.
“Dadka Soomaaliyeed waxa ay iminka u baahan yihiin mashaariic lagu hormarinayo waxyaabaha noloshada muhiimka u ah sida cunada iyo biyo nadiif ah” ayuu u sheegay ra’iisul wasaare Kaamil Wargeyska Al-riyadh.
Sacuudiga ayaa kamid ah wadamada daneeya hormarinta Soomaaliya iyadoona siyaasiyiinta ka falan qooda arimaha carbeed ay sheegayaan qorshaha sacuudiga ee Soomaaliya uu ugu gol leeyahay sidii Soomaalidu ay qeyb kaga sii ahaan laheyd isbaheysiga uu hogaamiye ee ka dagaalama Yemen.

