Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ayaa ka warbixiyay xaaladaha Tuulooyinkii shalay ay la Wareegeen Ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Midowga Africa ee amisom,
Af-hayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaalada ay saakay Tahay mid dagan ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa amisom ay gacanta ku Hayaan tuulooyinkii ay Horey ugu sugnaayeen ciidamada al-shabaab oo Hoos Yimaada Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhanka kale Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ayaa ugu baaqay dadkii ka barakacay dagaalkii shalay ka dhacay Tuulooyin Hoos Yimaada degnada baraawe ee Gobolka shabeelaha Hoose in ay guryahooda ay dib ugu soo laabtaan madaamada ay xaalada xiligaan Tahay mid aad u dagan,
Shalay ayay aheyd Markii ciidamo ka Tirsan kuwa amisom iyo kuwa dowlada soomaliya ay weerar ku qaadeen Tuulooyin ay ku sugnaayeen Ciidamada Xarakada al-shabaab

