Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saakay dagan kadib markii maalintii shalay aheyd ay ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Galmudug iyo kuwa Puntland,
Inta la xaqiijiyay dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug waxaa ku dhintay 6-qof Halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20-qof oo ka kala Tirsanaa ciidamadii dagaalamay iyo dadkii shacabka ahaa ee ku Harsanaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Dhanka kale Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug shalay gaaray Guddi ka socda Xukuumada Soomaliya uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa waxaa kamid ah Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed iyo xubno kale kuwasoo Maanta Gudaha Magaalada Gaalkacyo kula Kulmi doona waxgaradka iyo odayaasha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, si ay kala Hadlaan sidii loo joojin lahaa Colaada Magaalada Gaalkacyo,

