Gudigii loo Xil saaray Xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo oo Wali kulamo la leh Waxgaradka Gaalkacyo

1

Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Arimaha Gudaha dowlada Soomaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa magaaladaas wali kulan kula leh odoyaasha iyo waxgaradka kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland isagoona kala Hadlaya Waxgaradka iyo Odayaasha sidii loo xalin lahaa Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,

Wafdiga Wasiirka uu Hogaaminaayo Waxaa kamid ah  Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed Maxamed aadan axmed  Iyo xubno Kale waxaana Guddigaan dhawaan magacaabay Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane cumar C/rashiid cali Sharmarke oo dhawana Gaaray Magaalooyinka Cadaado iyo Garoowe,

Wali waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka Taagan colaada u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland iyadoona maalintii aheyd ay Magaaladaas ku Dagaalameen Ciidamo ka kala tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland,

1 YORUM

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here