Maxkamada sare ee magaalada London ayaa sheegtay in muwaadin u dhashay dalka ingiriiska uu maxkamada kahor qirtay in uu damacsanaa kubiirida Xarakada Al-shabab.
Tareefar milinduwa oo 21 sano jir ah kuna barbaaray magaalada London ayaa ciidanka booliska dalkaasi ay xireen dhamaadkii sanadkii hore xili uu doonayey in uu usoo safro dalka Soomaaliya.
Danbi baaraha maxkamada waxaa uu sheegay in nin kaani sidoo kale lagu helay ilaa iyo lix dambi oo argagaxiso kuwaasi oo uu galay inta uu joogay magaalada London.
Rikaad Walton oo ah Taliyaha ciidanka ka hortaga argagaxisada ayaa isagana sheegay in ay ogyihiin muwaadinin badan oo ingiriis ah kuwaasi oo damacsan in ay ka midnoqdaan Alshabab.
Ugu dambeyntii maxkamada ayaa sheegtay in Tareefar milinduwa oo ah eedesanaha qirtay in uu kubiiri rabay Al-shabaab in laxukumi doono bisha December 17-keeda ee sanadkaan 2015-ka

