Kooxda Beyer Munich ayaa cadeysay in xidiga Douglas Costa uu seegi doono kulanka ay la ciyaari doonto kooxda Hertha Berlin kadib dhaawac soo gaaray xidiga.
Costa ayaa dhawaan dhaliyay goolkii furitaanka kulankii ay kooxda Beyer Munich ay kaga adkaatay 4:0 kooxda Olympiacos ciyaarayaha Champions League isagoona ciyaartaas si dhaawac ahaan loogu saaray,
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Brazil ayaa haatan seegaya kulanka ay galabta la ciyaari doonto kooxda Hertha Berlin ciyaarta ka dhacaysa garoonka Allianz Arena
Laacibkii Hore ee kooxda Shakhtar Donetsk ayaa bandhig wanaagsan ka sameynaya Horyaalka dalka Germany Tan iyo markii uu ku biiray kooxda Beyer Munich Bishii July

