Baarlamanka Soomaliya oo Maanta Ansixiyay dib-u eegista kharashaadka Dowlada

0

Xildhibaanada Baarlamanka Dowlada Soomaliya ayaa Maanta kulankooda Caadiga ahaa ku yeeshtay xarunta Golaha shacabka Soomaliya ee Magaalada Muqdisho,

Kulanka Maanta ayaa ka koobnaa Labo ajende oo kala ahaa 1-qeybinta  Mushruuca ku saabsan  ilaalinta  badqabka dhulka iyo xuduudaha  jamhuuriyada Federaalka soomaliya, iyo u codeynta qaraarka dib-u eegista kharashaadka dowlada ee Bilihii janaayo iyo May sanadka 2015-ka

Ugu horeyn waxaa kulanka Lagu dhaariyay Labo Wasiir oo kamid ahaan doono Golaha wasiirada xukuumada soomaliya oo dhawaan uu Magacaabay Raisulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid cali sharmarke

Wasiirada Maanta  la dhaariyay ayaa kala ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha  ENG: C/rashiid Maxamed axmed, iyo wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan

Intaas kadib xildhibaanada Baarlamanka soomaliya ayaa loo qeybiyay mushruuca ku saabsan  ilaalinta  badqabka dhulka iyo xuduudaha  jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Madaama dhawaan Baarlamanka soomaliya la Horkeenay Qaraarka darbiga ay dowlada Kenya  ka dhisayso xuduud beenaadka,

Kulankii Maanta ee Xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya waxaa shir gudoominaayay Gudoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Baarlamanka Soomaliya Mudane jeylaani nuur iikar

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here