Mid kamid ah Siyaasiyiinta Soomaliyeed ayaa ugu baaqay Maamulada galmudug iyo Puntland in ay xal buuxa ay ka gaaraan Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayna miiska wadahadalka ay iskugu Yimaadaan,
Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro) oo Kamid ah siyaasiyiinta reer Puntland ee ku sugan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in loogu Baahan Yahay Maamulada Galmudug iyo puntland in ay xal buuxa ay ka gaaraan Colaada iyo dagaalka ka jira Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Siyaasigaan Horey ugu Tirsanaa Baarlamaankii Kmg-ga ahaa ee Soomaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay u naxaan dadka shacabka ah ee ku Nool Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug,
Dhanka kale Marka laga soo Tago Hadalka siyaasigaan waxaa Saakay Aroortii Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ka dhacay dagaal mar kale dhaxmaray Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland,

