Askari ka Tirsaan Ciidamada dowlada Ingiriiska oo dhawaan ku biiray kooxda Kurdish ee ka dagaalanta dalka Syria ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka Ingiriiska isagoona lagu xiray saldhiga weyn ee Magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.
Joe Robinson, oo 22jir ah, ayaa dhawaan dalka Syria u Tagay si uu ugu biiro kooxda Kurdish oo la dagaalanta kooxda Daacish ee wali ku sugan dalalka Ciraaq iyo Syria ee Bariga dhexe.
Laamaha Amaanka dalka Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay ninkaan dib kaga soo laabtay dalka Syria kadib markii uu kasoo garab Dagaalamay kooxda Kurdish oo bariga ka dagaalanta,





