Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan Cadde laga soo dajiyay meydka safiirkii Hore ee wadanka Allaha U naxariistee Marxuum Cabdullahi Xasan Maxamuud oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Masar.
Waxaa salaada Janaasada Garoonka Diyaaradaha aadan Caade kula Tukaday Madaxda dowlada soomaliya sida adaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ,Raisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Muddane Maxamed Cumar Carte Khaalib,Xildhibaano ,Wasiiro Madax ka tirsan Dawladda.










