Dowlada koonfur Korea oo Muddo kordhin u Sameysay Ciidankeeda Biyaha Soomaaliya ku Sugan.

0

Baarlamaanka  Dalka  koonfur korea ayaa ansaxiyey in muddo kordhin loo sameeyo ciidamada dalkaasi ee kusugan biyaha Soomaaliya.

Baarlamaanka oo ku shiray magaalada siyool ee xarunta koonfur korea ayaa isku raacay in sanadka 2016 ee soo socda dhamadkiisa ciidamada dalkaasi ee jooga biyaha soomaaliya laga soo saaro xeebaha dalka soomaliya.

Baarlamaanka iyo gudiga difaaca dalkaas  ayaa sheegay in mudada ciidanka koonfur korea  ay joogeen biyaha soomaaliya in ay sameeyeen isbadlo xoogleh oo dhanka laga daalanka burcad badeeda ah.

Ciidamo gaaraya 150-askari ayaa koonfur kuuriya kajooga xeebaha soomaaliya, waxaana dowlada koonfur kuuriya ay kusoo biirtay howlgalka ladagaalanka burcad badeeda soomaalida sanadkii 2009-kii.

Ugu dambeyntii isla Baarlamanka dalka koonfur korea waxaa ay muddo kordhin kale u sameeyeen ciidanka kaga sugan dalka imaaratka oo tira ahaan gaaraya 4,500.

Biyaha soomaaliya waxaa ka howl galo maraakiib dagaal oo ladagaalamayo kooxaha burcad badeeda soomaalida.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here