Amaanka ayaa saro loo qaaday maanta dalalka Kenya iyo Uganda kadib weeraro laga cabsi qabo Alshabaab in ay ka geestaan dalalkaas.
Xaqiijinta amaanka labada dal ayaa keentay kadib baadariga ugu weyn deenta masiixiga ee Pope Francis kaasi oo booqasho 5 maalina ah ay uga bilaabaneyso qaarada Afrika.
Pope Francis ayaa diyaarad gaar ah ay ksoo qaaday magaalada Roma ee dalka talyaaniga kahor inta uusan kasoo dagin garoonka diyaaradaha dalka Kenya ee joma Kenyatta.
10.000 oo ciidanka booliska Kenya ah ayaa lasoo dhoobay wadooyinka waaweyn ee magaalada Nairobi kuwaasi oo sugaya amaanka baadariga.
Baadariga diinta masiixiga ayaa joogi doona dalka Kenya muddo dhan 3 bari isagoona booqasho ku gaari doono goobaha macbadyada ee dalka Kenya kadib marka uu la kulmo madaxda sare ee dalka Kenya uu ugu horeeyo madaxweyne uhuro Kenyatta.
Madaxa ciidanka booliska Kenya Joseph Boinett ayaa warbaahinta u sheegay in ay u diyaar garoobeen soo dhaweynta pope-ka.
Sitaas lamida ah waxaa saro loo qaaday amaanka magaalada kampala ee dalka Uganda halkaasi oo uu booqan doono baadari pope Farancis waxaana uu halkaasi kaga sii gudbi doonaa dalka Afrikada dhexe.
Dalalka Uganda iyo Kenya Alshabaab ayaa horay weeraro ugu qaaday xarumahooda dalalkaasi waxaana xarunta kampala ay Alshabab weerareen sanadkii 2010-kii oo ay ku dileen 76 ruux sidoo kale sanadkii 2013-kii Alshabab ayaa weeraray xarunta Kenya ee Nairobi halkaasi oo ay ku dileen 67 qof.
Waa markii ugu horesay oo pope Farancis uu booqasho kusoo gaaro qaarada afrika waxaana soo dhaweynaayo 1.4million oo qof.


Abdi Quuri liked this on Facebook.