Kooxo loogu shakisan yahay in ay ka Tirsan Yihiin al-qaacida ayaa maanta weerar ku qaaday Hoteel Lagu magacaabo Radisson Blu hotel kasoo ku Yaala Magaalada Bamako ee dalka Mali.
Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa ku dhimatay weeraro isqarxin iyo kuwa Toos ah oo ka dhacay Hoteelka Radisson Blu hotel kasoo ku Yaala Magaalada Bamako, ee dalka Mali waxaa sidoo kale la sheegay in kooxaha weerarka kusoo qaatay goobta ay la baxsadeen ku dhawaad 170-qof oo ahaa dadkii ku sugnaa Hoteelka.
Safaarada Marekanka ee Magaalada Bamako ayaa sheegtay in ugu yaraan dad aad u Fara badnaa oo ku sugnaa Hoteelka wali la La yahay iyadoona ciidamada dowlada Marekanka ee ku sugan dalka Mali ay wali ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Bamako, ee dalka Mali.
Ma jirto cid sheegatay weerarka maanta Lagu qaaday Hoteelka ku Yaala Magaalada Bamako, ee dalka Mali.














