Weeraryahanka kooxda Manchester United Anthony Martial ayaa ka Hadlay xidiga uu ku dayan jiray markuu yaraa Kubada cagta
Anthony Martial ayaa Tilmaamay in xidigaha kala ah Ronaldo, Ronaldinho iyo Zinedine Zidane in ay ahaayeen xidigihiisa uu ku dayan jiray markuu yaraa Kubada cagta.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka France Anthony Martial ayaa dhawaan garoonka Old Trafford ku Yimid aduun dhan £58 million iyadoona isla markiiba uu la qabsaday Noloshada kooxda Manchester United iyadoona dadka qaar ay la bar bar dhigan laacibkii Hore ee kooxda arsenal Thierry Henry.

