War Deg Deg: Qarax Miino oo ka Dhacay Maqaayad Ku Taala Degmada Howlwadaag

0

Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa ku dhaawacmay  qarax miino oo goor dhaweyd ka dhacay maqaayad ku Taala  Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir

Maqaayada qaraxa laga Maqlay ayaa ku Taala agagaarka Isgoyska degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaana xiligii uu dhacayay qaraxa ku sugnaa ciidamo ka Tirsanaa kuwa dowlada soomaliya oo xiligaas ku shaaheynayay  Maqaayada.

Qof goob jooge ahaa oo ku sugnaa Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa idaacada simba u sheegay in uu indhihiisa ku  arkay dhaawaca 3-qof oo kamid ahaa dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa Maqaayada qaraxa laga Maqlay.

Dhanka kale Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa soo Gaaray Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo haatan Baaritaano ka wada Halka uu qaraxa ka dhacay

wixii kusoo kordha simbanews.com kala soco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here