Dowlada wadanka France ayaa sheegtay in la dilay ninkii soo abaabulay weerarkii ka dhacay Magaalada Paris ee dalka france Todobaadkii aynu soo dhaafnay.
War kasoo baxay Laamaha Amaanka dalka France ayaa Lagu sheegay Abdelhamid Abaaoud oo u dhashtay dalka Belgium-ka da’diisana ay aheyd 27-jir in Lagu dilay dagaal socday waqti badan kasoo ka dhacay woqooyiga Magaalada Paris ee dalka France,
Wasiirka arimaha Gudaha dowlada wadanka France Bernard Cazeneuve ayaa warbaahinta dalka France u sheegay in la dilay Abdelhamid Abaaoud oo ka dambeeyay weeraradii ka dhacay meelo kamid ah Magaalada Paris ee dalka France.







