Siyaasi Daahir Cabdulqaadir Muuse Ciiro oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed horayna usoo Noqday Xildhibaan Ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Dalka Soo maray oo la hadlay Radio Simba Muqdisho ayaa Waxaa uu ka hadlay arimaha la Xariira Shirarka Hiigsiga Sannadda 2016 ee dhawaanahaan lagu qabanayey Meelo ka mid ah Dalka.
Daahir Ciiro ayaa Waxaa uu ku eedeyey Madaxda Dowladda in ay Wadaan qorshe ay ku doonayaan in ay ku sameystaan Muddo Kororsi marka la gaaro Sannadda 2016 xilligaas oo dalka lagu wado in ay ka dhacdo doorashada Madaxtinimada Dalka.
Waxaa sidoo kale uu sheegay in madaxda dalku aysan daacad u ahayn islamrkaana ay kasoo horjeedaan in doorasho ay ka dhacdo dalka xafiisyadana ay doonayaan in ay sii joogaan sannado hadda dhiman taasi oo uu sheegay in ay daliil u tahay qilaafka ka taagan Nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa iyo dib usoo celinta nadaamka 4.5 ee awood qeybsiga Soomaalida kaasi oo uu sheegay in uu halis ku yahay Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Halkaan Ka dhageyso Codka.

