Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland ayaa xiligaan Howlgalo kawada Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Gobolka Mudug Kadib markii Magaaladaas Lagu dilay Mid kamid ah saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland.
Ciidamada ayaa Baaritaanada ka sameynaya xaafadaha Magaalada gaalkayo ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka Woqooyi si Gacanta loogu soo dhigo Ragii ka dambeeyay Dilkii xalay Magaaladaas loogu Geystay Sarkaal ka Tirsanaa ciidamada Maamulka Puntland oo lagu magacaabi Jirey C/kariin.
Saraakiil ka Tirsan ciidamada amaanka Maamulka Puntland oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saxaafada ay dib kala Hadli doonaan Markuu soo dhamaado Howlgalka xiligaan ka socda Magaalada Gaalkacyo dhanka Woqooyi.
Dhanka kale Dilkii xalay loogu Geystay Magaalada Gaalkayo ee Gobolka Mudug sarkaalkaan ka Tirsanaa ciidamada Mamaulka Puntland waxaa sheegtay Xarakada al-shabaab.

