Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo waa goor dhaweyd gaaray Guddi isku-dhaf ah oo ka kooban Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo u kuur Gali doona xaaladaha ka jirta xuduudka soomaliya iyo Kenya u dhaxeeya.
Guddiga isku-dhafka ah ee gaaray Degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo waxaa Hogaaminaya Wasiirka gaashaandhigga xukuumada soomaliya mudane Cabdulqaadir Cali Diini waxaa sidoo kale kamid ah wafdiga guddiyada arrimaha dibadda, gudaha iyo gaashaandhigga ee Baarlamanka soomaliya.
Mudanayaasha Baarlamanka soomaaliya ayaa shalay magacaabay Guddi isku dhaf ah oo ka kooban xukuumada soomaliya iyo Baarlamanka soomaliya kuwaasi oo u kuurigali doona arinta ku aadan darbiga la sheegay in dowlada Kenya ay ka dhisayso xuduudka labada dal ka dhaxeeya.
Dhanka kale Maamulka degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa dhawaan Warbaahinta u sheegay in ciidamo ka Tirsan kuwa Kenya ay Gudaha usoo Galeen meelo kamid ah wadanka soomaliya.

