Wasaarada Amniga Gudaha oo Guddi u Xil-saartay Dilkii Magaalada Beledweyne loogu Geystay Madaxii Hay’ada Main action

0

Wasaarada Amniga Gudaha dowlada somaliya ayaa Guddi u Magacawday dilkii dhawaan Magaalada Beledweyne loogu geystay Madaxdii Hay’ada Main action xarunteeda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Wasiirka amniga Gudaha dowlada soomaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta dowlada la Hadlay ayaa sheegay in dowlada soomaliya  guddi u saartay dilkii dhawaan Magaalada Beledweyne loogu geystay Madaxii Hay’ada Main action xarunteeda Beledweyne.

Dhanka kale  wasiirka amniga Gudaha dowlada soomaliya ayaa Tilmaamay in guddiga la magacaabay uu ka kooban yahay ilaa Todobo xubnood oo ka kala socda Hey’adaha ammaanka dowlada soomaliya waxayna isla maanta ay gaari doonaan Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay aheyd Markii Magaalada Beledweyne Lagu dilay Madaxii Hay’ada Main action xarunteeda Magaalada Beledweyne waxaa dilkaas Lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here