War Deg Deg: Israsaaseen Dhaxmartay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya

0

Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya degmada Deyniile in ciidamo kawada Tirsan kuwa dowlada soomaliya ayaa isku Rasaaseeyay Gudaha degmada Deyniile ee Gobolka Banadir,

Is rasaaseenta ayaa Timid kadib markii ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya ay gaareen Goob kaararka raashinka lagu bixiyo oo ku Taala Gudaha degmada Deyniile waxaa Halkaas horey ugu sugnaa ciidamada amaanka Maamulka degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Taasi oo keentay In labada ciidan ay rasaas ay isweedaarsadaan.

Inta la xaqiijiyay 13-qof ayaa ku dhimatay rasaasta ay fureen ciidamada kawada tirsan dowlada soomaliya waxaa u badnaa Haween goobta ka qaadanayay kaararka aqoonsiga oo raashinka lagu qaato.

Xoghayaha Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir Mahad Maxamed shiraabe oo la Hadlay idaacada simba  ayaa sheegay in ay jirto arinta is-rasaaseenta Balse Maamulka degmada Deyniile ay kala dhaxgaleen Labada ciidan xaalkana uu xiligaan dagan Yahay waa siduu Hadalka u dhigay Mas’uulka.

131023_008

131023_008

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here