Madaxweynaha Kenya oo difaacay in Ciidanka Kenya ay dekedda kismanyo ka dhoofiyan dhuxul iyo Sokor

0

Madaxweynaha dalka Kenya uhuru Kenyatta ayaa sicad u beeniyey in ciidanka Kenya ay Dakadda magaalada kismanyo ay ka dhoofiyaan dhuxul iyo sokor sharci dara ah kuwaasi oo loo iib geeyo dalka Kenya.

Madaxweyne uhuru waxaa kaloo uu sheegay in ciidanka Kenya ay wadaan nabadeenta dalka balse aysan dalka soomaaliya u joogin howlo kale.

“Waa wax aan aad u layaabay wararka leh ciidanka kenya ee soomaaliya jooga in ay dhoofiyaan dhuxul iyo sokor sharcidara ah, waxaan rabaa in aan idin sheego in dowlada Kenya ay u taagan tahay walibi si adag dib u dhiska ciidanka soomaaliyeed sidfaasi waxaa yiri madaxweyne uhuru kenyatta”,

Madaxweyne uhuru kenyata waxa kaloo uu warbaahinta u sheegay in ciidanka Kenya ay ka baxayaan dalka markii ay gutaan shaqadii ay dowlada Kenya ugu soo dirtay dalka soomaaliya.

Hadalka uhuru waxaa uu imaanaya iyadoo qaramada midoobe ay dowlada Kenya ku eedeysay in dekedda kismanyo laga dhoofiyo dhuxul iyo sogar qaab sharci dara ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here