Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali daahir ayaa sheegay in uusan xiriir wanaagsan ka dhaxeynin Maamul Goboleedyada dalka ka Jira iyo Xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka xaruntiisa Magaalada Muqdisho.
Dr axmed Cali daahir oo la Hadlay laanta Afka soomali-ga ee BBc-da ayaa Tilmaamay in aan la heli Karin xaaladaha dhabta ah ee ka jira Gobolada dalka soomaliya madaama xaalada amaanka qaar kamid ah gobolada dalka soomaliya ay aad u xun Yihiin,
Dhanka kale xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka Dr axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay sugayaa in xildhibaanada Baarlamanka Soomaliya ay meel mariyaan sharciga ku aadan in xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka uu gaaro dhamaan Gobolada dalka soomaliya
Cod 1 Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka

