Israsaaseen keentay dhimashada Mas’uul ka Tirsanaa Hay’ada Main action

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Gudaha Magaladaas maanta ay rasaas isku weedaarsadeen qaar kamid ah ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Mas’uul ka Tirsanaa  Hay’ada Main action Xarunteeda Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Rasaasta ay is weedaarsadeen Labada dhinac ayaa sababtay in  dhaawac daran uu soo gaaro sarkaalkii u shaqeynaayay Hay’ada Main action xarunteeda Magaalada Beledweyne kaasi oo lagu magacaabi Jirey Mahdi

Waxaa la dhigay dhaawiciisa isbitaalka Magaalada beledweyne si wax loo qabto Galabnimadii Maanta ayaa la isku dayay in loosoo qaado Magaalada Muqdisho madaada Maamulka isbitaalka Magaalada Beledweyne ay sheegeen in aysan waxba ka qaban Karin dhaawiciisa

Wariyaha Magaalada Beledweyne ee Radio simba Maxamed Ibraahin siyaad Jarmal ayaa kusoo waramaya is sarkaalkii ka Tirsanaa Hay’ada Main action uu ku geeriyooday Garoonka diyaarahada Magaalada Beledweyne intuu lagu Howlanaa usoo qaadistii Magaalada Muqdisho

Wali wax war ah kama soo bixin Maamulka Gobolka Hiiraan ay kaga Hadlayaan israsaaseentii uu Maanta ku dhintay sarkaalkaan ka Tirsanaa Hay’ada Main action xarunteeda Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here