Maamulka Gobolka Nugaal ee Puntland ayaa digniino u jeediyay dhamaan Maamulada Hoteelada, hoolalka shirarka, machad-yada iyo Jaamacaddaha Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal oo ku aadan Barnaamijka shirarka Hiigsiga 2016-ka
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland Cumar Cabdilaahi Farawayne oo warbaahinta kula Hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Nugaal uusan ogalaan doonin In shirar uusan ogeyn Maamulka in Lagu qabto qaar kamid ah Hoteelada, hoolalka shirarka, machad-yada iyo Jaamacaddaha shirarkaas oo loogu Hadlaayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.
Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa shacabka deeganada Maamulka Puntland ku wargaliyay in Maamul uu sheegi doono Goobaha Lagu qaban doono shirarka loogu Hadlaayo Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.

