Maamulka degmada Mahadey ee Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa ku hanjabay in ay dhawaan la wareegi doonaan goobaha ay kasoo baxeen ciidamada Midowga Africa iyo kuwa dowlada soomaliya
Gudoomiyaha degmada Mahadey ee Gobolka shabeelaha Dhexe ee dowlada soomaliya Axmed Xuseen Afrax oo la Hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka shabeelaha Dhexe uu wado qorshe uu dib ula wareegayo deeganka Fiidow ee Gobolka shabeelaha Dhexe.
Hadalka Gudoomiyaha degmada Mahaday ayaa imaanaya xili Deeganka Fiidow oo ah deegan u dhaxeeya Gobolada shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay dhawaan iskaaga soo baxeyn ciidamada Brundi oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaankaas.
Cod 1 Gudoomiyaha Mahadaay dib ugu soo bixista AMISOM ee Fiidow

