Shil Gaari oo geeystay qasaare oo ka dhacay Duleedka Dhuusa-mareeb.

0

Maanta Barqadii ayaa waxaa Gaari nuuca soomaalidu ay u taqaanno Hoomeyda uu ku rugmaday Deegaanka ceeldheere oo ku yaala Duleedka Degmada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Gaariga oo siday Qaad ayaa la sheegay inuu kasoo ambabaxay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud uuna kusii wajahnaa degamada Cadaado ee islagobolkaasi balse uu ku rogmaday inta u dhexeysa Degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Rogmashada Gaari ayaa timid kadib markii uu darawalka Gaarigu uu ku wadayay Xawaare Saaid ah gaariga kadibna uu ku dhacay neef geel ah oo la sheegay in wadada hareerteeda uu marayey.

Waxaa lagu waramayaa inuu ka dhashay Shilkaasi Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray darawalkii gaariga iyo waliba kirishbooygii gaariga rogmaday.

Darawalkii ayaa dhaawacmay sida la xaqiijiyey halka uu isla goobta ku geeriyooday kirishbooygii gaariga, dhaawaca darawalka ayaa lageeyey isbitaalk Magaalad Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud halkaasi oo xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo waloow la sheegay inuu qabo dhaawac halis ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here