Wararka Ka Imaanaya Deegaanno hoostaga Degmada Cammaara ee Gobolka Mudug ayaa kusoo Waramaya in Ciidamo ka tirsan Al-shabaab iyo Dadka Deegaanka ay ku Dagaalameen deegaan hoostaga Cammaara.
Dagaalk ayaa la sheegayaa in la isku adeegsanayey hubka Nuucyadiisa kala duwan islamarkaana dhawaqiisa laga maqlayey deegaanada ku xeeran halka lagu dagaalamayo.
Ilaa hadda lama oga inta uu le’egyahay qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi waloow la sheegayo in ay jiraan qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.
Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ka hadlay Dagaalka maanta dhacay iyo Waliba Xiisadaha ka jira deegaanada qaar ee hoostaga gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed oo Maanta Warbaahinta Kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka maant dhacay uu u dhexeeyey Ciidanka Al-shabaab iyo dadka Deegaanka islamarkaana Al-shabaab ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ay ka doonayeen Sakada sida uu hadalka U dhigay.
Wasiirka Aminga Galmudug ayaa sheegay sidoo kale in deegaanada Mamulkaasi ay hadda ka socdaan abaabul iyo guluf Dagaal oo uu ku doonayo Maamulka Galmudug inuu kula wareego deeganda ay Al-shabaab ku suganyihiin Ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan ayu sheegay in ay yimaadeen deegaanada Galmudug kuwaasi oo ku gacansiinaya Ciidanka Galmudug la dagaallanka Xarkada Al-shabaab Waxaana uu ku hanjabay in dhawaan Galmudug ay soo afjarayaan dagaalka ay kula jiraan Ciidanka Maamulkaasi Xarakada Al-shabaab .
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno deegaanada gobolka mudugu ee bartamah Soomaaliya ayaa sheegaya in hadda deegaanada qaar ay ka jirto xiisad colaadeed oo u dhexeeysa Ciidamo kala taabacsan Maamulka Galmudug iyo dadka Deegaanka oo isku dhinac ah iyo Ciidamada Xarakada Al-shabaab.

