Al-shabaab oo la Wareegay deeganka Fiidow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

sida ay sheegayaan wararka Ciidamo ka Tirsan kuwa xarakada al-shabaab ayaa la wareegay deeganka  Fiidow oo ah deegan kala qeybiya Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe

Al-shabaab ayaa deeganka la wareegay kadib Markii aroornimadii saakay ay deegankaas iskaaga baxayn ciidamada ka socda wadanka Burundi oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deeganka Fiidow ee Gobolka shabeelaha Dhexe.

Dhanka kale Maamulka Gobolka shabeelaha Dhexe oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ciidamada ka baxay deeganka Fiidow ee Gobolka shabeelaha dhexe  ay kaga baxeyn deeganka  arimo la xiriira fatahaadyada la rumeysan yahay in ay dhufan doonaan qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here