Wararka Ka Imaanaya Degmada Ceelbuur ayaa sheegaya in Duhurnimadii Maanta Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Galmudug ay Gaareen Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Xildhibaanadan oo dhawr gaaraya ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinaya Socdaalkooda Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo ka Tirsan Maamulkla Galmudug satate Waxaana si weyn Magaalada Ugusoo dhaweeyey Sarakiisha Ciidamada Dowladda,Maamulka Degmadaasi iyo Shacab aan sidaa u badnayn Maadaama Shacabkii degmadaasi ay ka maqanyihiin Degmada Ceelbuur.
Ujeedka Wafdigan Ka Socda Galmudug ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay uga qeyqaadan lahaayeen in shacabkii ku noolaa degmadaasi oo muddo barakac ku ah Duleedka Degmadaasi loogusoo celin lahaa halkaasi iyo in kulamo amaank looga hadlaayo ay la qaataan saraakiisha halkaa jooga.
Wixii kasoo kordha dib kalsocda insha allah.

